Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa qarax culus lagula eegtay ciidamo katirsan kuwa Uganda ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duuley dalka Soomaaliya.
Qaraxa oo ka dhacay inta u dhexeysa Danow iyo Shalambood ayaa waxaa ku dhintay 2 askari oo Uganda ah halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.
Ciidamada Uganda ayaa xilliga lala eeganayay qaraxa waxay ku guda jireen hagaajinta wada ay isticmaalaan oo ay ugu soo wareegteen qaraxyada ku qabsada wadooyinka kale darteed.