
Hogaanka sare ee Mujaahidiinta Al-Qaacida ayaa bogaadiyay guushii weyneyd ee ay Muslimiinta Afqaanistaan ka gaareen isbaheysigii Maraykanku hogaaminayay ee dalkaas ku duulay 20 sano kahor.
Bayaan ku qornaa luuqadaha Carabiga iyo Engelish-ka oo kasoo baxay hogaanka sare ee Mujaahidiinta Al-Qaacida ayaa waxaa Allaah looga mahdiyay 20 sano kadib, jabka Maraykanka iyo isbaheysiga Nato ku gaaray dalka Afqaanistaan.
“ Allaah ayaa mahad leh, kaasoo dhegaheena ugu raaxeeyay dhageysiga aayadaha Quraanka oo laga akhrinayo gudaha qusuurta Kaabul, markii laga nadiifiyay kadib qarmuunka Maraykanka iyo kaaliyaashiisa” ayaa lagu billaabay bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee Mujaahidiinta Al-Qaacida.
“ Waxaan u mahdineynaa Allaah weyn ee Jabbaarka ah, kaasoo dulleeyey madaxa kufriga ee Ameerika, islamarkaana jebiyay, dhabarkana ka jebiyay, calankeediina jeex jeexay, kana saaray Afqaanistaan, iyadoo caalamku oo idil arkayo, islamarkaana ah mid dulleysan, islamarkaana hoogay. Umadeena muslimka ah waxaan kugu hambaleyneynaa guushaas weyn ee taariikhiga ah, kaasoo uu Allaah ku qoray gacmaha umadda muslimka ah ee Afqaanistaan ee ah mujaahidada saabiradda ah” ayaa lasii raaciyay bayaanka hambalyada iyo bogaadinta ah ee kasoo baxay hogaanka sare ee Al-Qaacida.
“ Umadaasi muslimka ah ee reer Afqaanistaan, waa tan iska caabisay imbiraadooriyaadkii soo duuley, illaa dhamaantooda ay ka saartay dhulalka muslimiinta, waxayna dhabtii noqotay qalcad adag oo uu leeyahay Islaamka, wadadaasna waxay ku dhigtay halyeynimo, iyadoo hurtay naftooda, maalkooda, dhiigooda, caruurtooda iyo waqtigooda, waana dagaal socda tobanaan sano oo xiriir ah, oo uu galay jiilba jiilka xiga, mana dhicin in marnaba ay is dhiibto umadaas, cadowgana madax u foorariso,oo ay ka tagto wadada Jihaadka iyo Istish-haadka, ee Umadyahay reer Afqaanistaan Alle hakugu abaal mariyo kheyr, waxaana kugu hambalyeyneynaa guushan weyn ee aad ka gaarteen isbaheysigan saliibiga ah, inagoo is gaar ah ugu hambaleyeyneyna hogaankaaga Imaarada islaamiga ah oo uu ugu horeeyo amiirul Mu’miniin Mowlahi Hibatullaah- Allaah dhowree- Allaahna waxaan waydiisaneynaa inuu u naxriisto shuhadadaada isuga jira rag iyo dumar, oo uu ugu horeeyo amiirul Mu’miniin Mullaa Muxamad Cumar Mujaahid, kaasoo ku istaagay Iimaankiisa xidideystay, tala saarashadiisa Allaah iyo kalsoonida uu ku qabo yabooha Allaah, si uu u yiraahdo kalimadaas ay waarisay taariikhda, taasoo ah “ Allaah wuxuu noo yaboohay guul, buushna wuxuu noo ballanqaaday guuldaro, waxaana arki doonnaa labadaas ballanqaad midka dhaboobaya”, Allena ha u naxriisto amiirul Mu’miniin ee ahaa buurta adag Mullaa Akhtar Mansuur iyo sheykhii Mujaahidiinta, ahaana aabaha shuhadada iyo libaaxa Jihaadka Jalaalu-diin Xaqqaani” ayaa lagu yiri bayaanka bogaadinta ah ee kasoo baxay Mujaahidiinta Al-Qaacida, umadda muslimka ahna loogu hambalyeeyay guusha muslimiinta Afqaanistaan iyo jabka isbaheysiga uu hogaaminayay Maraykanka.
Isagoo sii socda bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee Mujaahidiinta Al-Qaacida waxaa lagu yiri “ Umadeena muslimka ah, guusha Afqaanistaan waxay kuu sugtay awoodda ay leedahay umadda muslimka ah marka ay midowdo, islamarkaana garwaaxsato hubka, una jihaada difaaca diinteeda, sharafkeeda, dhulkeeda iyo maalkeeda. Waxay sidoo kale kuu sugtay in wadada Jihaadka ay gebegebadiisu tahay guul iyo tamkiin, cadowgana heer kastoo ay gaarto tiradiisa, tayadiisa, isbaheysigiisa, xadgudubkiisa iyo qabweynidiisana aanu ku hor adkeysan Karin Jihaadka ay wado umad ku dhegan kitaabka Rabigeeda, kuna dayaneysa hadyiga nabigeeda Muxammad Salla-llaahu caleyhi wasallam iyo saxaabadiisa sharafta badan, marka ay Jihaad kula jirto gaalada iyo munaafiqiinta, hadafkeeduna yahay iney dhulka ka hirgeliso Shareecada Islaamka. Allaah Subxanahu watacaala wuxuu yiri :-
Sidoo kale, waxaa bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee Mujaahidiinta Al-Qaacida, loogana hadlayo guusha muslimiinta Afqaanistaan lagu diray farriimo ku socda guud ahaan umadda muslimka ah meel weliba oo ay dunida ka joogto.
“ Umadeena sharafta badan, waa inaad u diyaar garowdaa marxaladda nagu soo wajahan, ee gogol xaarka looga dhigay guushan islaamiga ah ee ku dhabowday gacanta umadda muslimka ah ee dulmi diidka ah ee reer Afqaanistaan, kaasoo ay xigi doonaan arimo waaweyn, una gogol xaari doona Allaah idinkii in shucuubta muslimka ah ay ka xuroobaan xukunka dhawaaqiidda ee umadda ku habsaday, sidoo kalena laga xureeyo Filastiin gacanta gumeystaha Yahuudda, iyadoo weliba Maraykanka iyo Nato in sanka loogu jiiday Afqaanistaan ay soo gebegebeysay casrigii qabweynida Maraykanka iyo Yurub iyo damacyadooda ku aadan iney si milliteri u gumeystaan wadamada muslimiinta, shucuubta Yurub iyo dowladaha bariga Aasiyana xitaa fursad u siiyay iney iska dul qaadaan heymanada Maraykanka” ayaa lagu yiri bayaanka ay baahisay mu’assasada warbaahineed ee As-Saxaab.
“ Ugu dambeyntii, waxaan ugu baaqeynaa shacabka muslimka ah ee Afqaanistaan ee diinkiisa iyo Umadiisa ku ballan furin, iney garab istaagaan hogaanka Imaarada islaamiga ah, kaasoo ay cadaatay daacadnimadiisa iyo sida uu ugu dadaalayo danaha shacabka, diintiisa, dhiigiisa iyo maalkiisa, waana iney iltizaamaan go’aannada, ballamaha iyo siyaasaadka sharciga ah ee ay qaataan hogaanka, Allaah Cazza Wajalla wuxuu yiri :
Waxaan sidoo kale umadda muslimka ah ugu baaqeynaa iney garab istaagto shacabka muslimka ah ee Afqaanistaan, kuna taageerto khibradaha iyo hantida, iyadoo laga taageerayo dhamaan jawaaniibta kala duwan, si gaar ah marxaladan xasaasiga ah ee ay Umadaha kufriga isku kaashanayaan shacabkan muslimka ah ee dulmi diidka ah, eek u sharfoon diintiisa” ayaa lagu soo khatimay bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee Mujaahidiinta Al-Qaacida.
Bayaanka ay baahisay mu’assasada warbaahineed ee As-Saxaab, kana soo baxay hogaank sare ee Mujaahidiinta Al-Qaacida ayaa noqonaya bayaankii ugu horeeyay ee kasoo baxa Al-Qaacida, tan iyo markii Maraykanka iyo Nato isaga baxeen wadanka Afqaanistaan, wuxuuna yimid saacado kadib markii askarigii ugu dambeeyay oo Ameerikaan ah ka cararay dalka muslimka ah ee Afqaanistaan.