Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxaa xalay siyaabo kala duwan uga dhacay weeraro dhowr ah oo qaar kamid ah lagu qaarijiyay askar ka tirsan ciidamda Dowladda Federalka.
Rag hubeysan oo ka tirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo xalay weerar qorshaysan ka fuliyay Suuqa weyn ee degmada Wadajir ayaa waxay ku dileen askari ka tirsan ciidanka DF.
Askariga ladilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Bile Salaad, wuxuuna sigaar ah uga tirsanaa ilaalada gaarka ah ee Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Finish.
Sidoo kale weerar Mujaahidiintu ay xalay ka geesteen xaafada Saybiyaano ee degmada Hodan waxay ku dileen askari ka tirsan ciidamada DF.
Dhanka kale dagaalyahanno aad u hubeysan oo ka mid ah Xarakada Mujahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay dagaal toos ah ku qaaday fariisin iyo bar kontorol oo ay askarta dowladda kaga sugan yihiin xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa ee gobalka Banaadir.
Howlgaladan ayaa ku soo aadaya xili isla xalay ciidamada Mujaahidiinta ay weeraro toos ah ku qaadeen saldhigyada ciidanka DF ay ku leeyihiin magaalooyinka Awdheegle, Jannaale, Afmadow, iyo Qansaxdheere oo ka kala tirsan goballada Sh/Hoose, J/Hoose iyo Bay ee dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.