HomeAll newsWeerar Lagu Dilay Sarkaal Iyo Askar Ka Tirsan Jubbaland Oo Ka Dhacay...

Weerar Lagu Dilay Sarkaal Iyo Askar Ka Tirsan Jubbaland Oo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.

Ciidamada melleteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saakay weerar cagmarin ah ku qaaday saldhigg ay ciidamada Maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan islamarkaana la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa si gaar ah wuxuu kaga dhacay xero ciidan oo ku taalla deegaanka Baarsanguuni, waxaana ka dhashay khasaase xooggan oo soo gaaray askarta Maamulka Jubbaland ee ku sugneyd saldhigga la beegsaday.

Sida ay xaqiijiyeen ilo mas’uul ah waxaa weerarkaan qorshaysan oo ay fuliyeen rag ka tirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shaabab ku naf waayay ilaa 8 askari oo ka tirsan Maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe ee Jubbaland, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay ilaa 7 kale.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in weerarkaan uu ku dhintay sarkaal lagu magacaabi jiray Yuusuf Aadam oo ahaa Taliye Hoorin ka tirsan ciidamada Maamulkaas, iyadoona ay Shabaabul Mujaahidiin ku soo furteen weerarka hub iyo qalab melleteri oo kala duwan.

Howlgalkaan ayaa ku soo beegmaya xili saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala wilaayaadka Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka ay weerarro xooggan ku qaadeen saldhigyada ciidamada shisheeye iyo kuwa Soomaalida ay ku leeyihiin deegaannada Arbacow, Ceelasha Biyaha, Calamada, Bariire, Kulbiyow iyo Cabdalle Biroole oo ka wada tirsan gobollada Sh/Hoose iyo J/Hoose ee dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular