Saacadihii lasoo dhaafay waxaa isbitaal ku yaalla magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal Cudurka Coronavirus ugu geeriyooday Wasiir katirsanaa maamulka Puntland.
Asad Xuseen Xaashi oo ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka maamulka Puntland, oo maalmihii u dambeeyay ku xanuunsanayay magaalada Garoowe, ayay masuuliyiin katirsan maamulka xaqiijiyeen geeridiisa.
Wasiir Axmed ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay waxa uu la xanuunsanayay Cudurka Coronavirus, isagoona ugu dambeyn uu ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Garoowe.
Masuuliyiin katirsan maamulka Puntland ayaa waxay sidoo kale sheegeen in Wasiir Asad Xuseen Xaashi uu xilal kala duwan kasoo qabtay maamulka uu hogaamiyo Siciid Cabdullaahi Deni.
Coronavirus oo ah cudur safmareen ah ayaa dhibaato badan ku haya caalamka, waxa uuna horay u galaaftay nolosha masuuliyiin katirsan DF iyo kuwa maamul gobaleydyada.
Ma ahan markii ugu horeysay ee uu cudurkaan u geeriyoodo Masuul ka tirsan maamulkaas balse bishii May waxaa sidan oo kale nafta uu dhaafiyay cudurkaan dilaaga ah Cumar Guure oo ka tirsanaa masuuliyiinta maamulka Puntland.