Aqoonyahan Maxmuud Ugaas oo kamid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa si faafaahsan wuxuu kaga hadlay sida ay warbaahinta reer galbeedku uga hadleen jabka Maraykanka kasoo gaaray dagaalka 20 sano jirsaday ee uu kaga jiray Afqaanistaan.
Maxmuud Ugaas oo si xeeldheer ugu kuurgalay warbaahinta reer galbeedka ayaa sheegay in inkastoo ay qiranayaan jabka, hadana ay isku dayayaan iney marin habaabin badan sameeyaan, iyagoo doonaya iney jiheeyaan ra’yu caamka guud ee shucuubta reer galbeedka.
Wuxuu warbaahinta reer galbeedka ku tilmaamay iney tahay warbaahin sheydaan, sidaas darteedna hadafkeeda ugu weyn uu hayay marin habaabinta muslimiinta, haseyeeshee ay hadda wax badan oo qiraal ah ka sameeyeen duulaanka Maraykanka ee Afqaanistaan.
Dhagayso Kalimad Maxmuud Ugaas- Warbaahinta Reer galbeedka iyo Afqanistaan