War kasoo baxay wasaaradda difaaca ee dalka Turkiga oo qeyb ka ahaa duulaanka Maraykanka iyo Nato ay ku qaadeen Afqaanistaan 20 sano ka hor, ayaa lagu sheegay in Turkigu ciidankiisu kala soo baxayo dalka Afqaanistaan.
Wasiirka gaashandhiga dowladda Turkiga Khaluusi Akaar ayaa sheegay in Turkigu billaabay in ciidankiisa uu kala soo baxo wadanka Afqaanistaan oo uu sheegay iney ka imaanayaan halisyo amni, haddii ay soo joogaan ciidamada Turkiga.
Wuxuu sheegay wasiirku in hadda ay soo daad gureeyeen inkabadan 1000 ruux oo isuga jira shaqaale u shaqeynayay dowladda Turkiga iyo ciidamada, kuwaasoo la keeney gudaha dalka Turkiga.
Horay, waxay dowladda Turkiga ugu adkeysaneysay in ciidamadeedu ka howlgeli doonaan garoonka diyaaradaha ee Kaabul, halkaasna ay sii joogi doonaan, xitaa marka ay ciidamada Maraykanka kasoo baxaan wadankaas.
Balse Imaarada islaamiga ah ee Afqaanistaan ayaa sheegtay inaaney ogolaan doonin in ciidamada Turkigu sii joogaan halkaas, maadaama ay qeyb ka ahaayeen duulaankii Maraykanka, haddii ay ku adkeysato arintaasna ay wajihi doonto cawaaqib adag.