
Warbaahinta dalka Uganda ayaa qoray warbixin tilmaameysa geerida mid kamid ah saraakiisha ciidamada dalkaas, qeybna ka ahaa taliyaashii hogaaminayay ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga dalka Soomaaliya.
Generaal Paul Lokech oo mar ahaa taliyaha ciidamada lugta Uganda ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duuley Soomaaliya ayaa ku geeriyooday wadankaas.
War kasoo baxay wasaaradda gaashandhiga ee dowladda Uganda ayaa lagu xaqiijiyay geerida sarkaalkan mar katirsanaa ciidamada Shisheeyaha ee kusoo duuley Soomaaliya.
” Wasaaradda gaashandhiga ee Uganda waxay si murugo leh u xaqiijineysaa geerida taliye ku xigeenkii guud ee ciidamada booliiska Uganda Generaal Paul Lokech, kaasoo ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala xaafadda Buwate ee degmada Kiira ee gobolka ” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Uganda.
Taliyaha booliiska ee wadanka Uganda ayaa dhankiisa wuxuu sheegay in meydka sarkaalka la dhigay xarun caafimaad, halkaas oo lagu baarayo sababaha rasmiga ah ee keeney geeridiisa oo aan illaa iyo hadda la ogeyn.
Paul Lokech ayaa lagu xusuustaa tacadiyaadkii iyo gabood falladii uu ka geystay Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ciidankiisu ka howlgalayeen, waxaana uu Soomaaliya joogay intii u dhexeysay sanadihii 2017-ka iyo 2018-ka, sida ay tilmaameen warbaahinta dalka Uganda.