Dagaalyahannada Imaarada islaamiga ah ee Dhaalibaan ayaa dagaallo adag kadib waxay la wareegeen magaalooyin muhiim ah oo dhaca wuqooyiga wadanka Afqaansitaan.
Magaalooyinka ay la wareegtay Dhaalibaan waxaa kamid ah magaalada Shibirgaan oo ah caasimadda gobolka Joozjaan ee dhaca wuqooyiga dalka.
Dagaallo adag oo ay marti gelisay magaaladan kadib, waxay hadda kamid tahay magaalooyinka laga taagay raayada cad ee Towxiidka.
Magaalada Zaranji oo ah xarunta gobolka Nimruuz ee wuqooyiga Afqaanistaan ayaa sidoo kale kamid ah dhulka ay la wareegtay Imaarada islaamiga ah ee Afqaanistaan.
Safaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa muwaadiniintooda waxay uga digeen iney u safraan Afqaanistaan, kuwa joogana waxay ku amreen iney si deg deg ah uga soo baxaan dalkaas.
Dhagayso Ahmiyadda ay leeyihiin magaalooyinkaas iyo si guud xaaladda dalka Afqaanistaan.