Qarax aad u xoogan ayaa goordhow waxaa duleedka magaalada Kismaayo lagula beegsaday saraakiil katirsan maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.
Qaraxa oo ahaa mid aad u culus ayaa dhaliyay khasaare xoogan, iyadoo uu goobta gebi ahaanba ku burburay gaariga.
Ilo wareedyo aan soo xiganeyno waxay noo xaqiijinayaan in qaraxa lagu dilay labo sarkaal oo katirsan maamulka Jubbaland, kuwaasoo lagu kala magacaabo Cali Shariif iyo Xirsi.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay si buuxda u sheegatay masuuliyadda qaraxan lagu dilay saraakiisha katirsan maamulka Jubbaland ee gacan saarka dhow la leh dowladda Kenya oo qeyb ka ah dowladaha shisheeye ee duulaanka kusoo qaaday Soomaaliya.