HomeAll newsSaraakiil Ka Tirsan Xukuumadda Tehran Oo Lagu Dilay Dalka Yeman.

Saraakiil Ka Tirsan Xukuumadda Tehran Oo Lagu Dilay Dalka Yeman.

Dowladda Yeman ayaa maanta ku dhawaaqday in ay saraakiil iyo khubarro ka tirsan dowladda Shiicada ah ee Iiraan lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo kooxda Xuuthiyiinta ay ku leeyihiin gobolka Ma’rib ee dalka Yeman.

Macbar Al-Eryaani, oo ah Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumdda Yeman oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ku sheegay in weerar xagga cirka ah oo ay fuliyeen isbahaysiga Carbeed lagu dilay Xayder Siirjan, oo ahaa khabiir u dhashay dalka Iiraan islamarkaana ka tirsanaa ciidamada ilaalada kacaanka ee xukuumadda Tehran.

Wasiirka ayaa qoraalkiisa sidoo kale ku sheegay in weerarkaan oo ka dhacay saldhig malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay ku leeyihiin magaalada Sarwaax ee gobalka Ma’rib lagu dilay 9 sarkaal oo kale oo ay ku jiraan laba Gaashaanlle oo lagu kala magacaabo Muusa Al-Qaxaazi, iyo Axmed Al-Saxaari, wuxuuna intaas ku daray in Saraakiishaan xiligii weerarka uu dhacayay ay ku howlanaayeen tababarista iyo diyaarinta malleeshiyaadka kooxda Xuuthiyiinta.

Xukuumadda Cabdi Rabbi Haadi ayaa sheegtay in tani ay xaqiijinayso baaxadda iyo heerka ku lug lahaanshiyaha Iiraan dagaalka ka aloosan gudaha dalka Yeman iyo kaalintinta ay ku leedahay xasillooni darada ka ka jirta dalkaas, iyadoona sheegatay in xukuumaddaTehran ay dalka Yemen ka joogan boqolaal khubaro milateri ah oo ka tirsan ciidamada Ilaalada Kacaanka, kuwaas oo ka taageeraya kooxda Xuuthiyiinta howlgallada dhanka milateriga iyo tahriibinta noocyada kala duwan ee hubka, oo ay ku jiraan gantaalada ballistic-ga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn kuwaas oo ay kooxdu u adeegsato xasuuqa ka dhanka ah dadka rayidka.

Dalka Yeman oo dhaca galbeedka qaaradda Aasiya ayaa waxaa ka taagan dagaallo xooggan oo u dhaxeeya dowladda uu hogaamiyo Cabdi Rabbi Mansuur oo taageero dhanka cirka ah ka heleysa Isbahaysiga Carbeed iyo Kooxda Xuuthiyiinta oo ay taageerto dowladda Shiicada ah ee Iiraan waxaana dirirtaas u dhaxeeysa labada dhinac khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka rayidka ee lagu dul dagaalamayo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular