
Waxaa weli banaanka yaala oo aan la aasin meydadka dad shacab ah oo ay ciidamada Shisheeyaha Uganda ku xasuuqeen qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa si xiriir ah uga socda banaanbaxyo ay dhigayaan ehellada iyo qaraabada dadkaas la xasuuqey, kuwaasoo codsanaya in cadaalad ay helaan dadkooda sida gardarrada ah loo dilay.
Illaa iyo hadda ma jirto masuuliyiin katirsan Dowladda federaalka oo la kulmey ehellada dadkooda ay xasuuqeen ciidamada Shisheeyaha, iyadoona madaxweynaha Uganda baaderi Yuweri Museveni uu qirtay in ciidankiisu ay laayeen dad shacab ah oo ay ku ciil baxeen, kadib markii ay la kulmeen weerar uga yimid dhinaca ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Dhagayso Meydadkii-dadkii-lagu-xasuuqey-Shabeellaha-Hoose-oo-weli-la-aasin