Madaxweynihii hore ee dalka Chad ْXusein Xabrii ayaa ku dhintay maanta xabsi ku yaalla dalka Senegal, isagoo ku geeriyooday da’da 79 jir sida uu ku dhawaaqay maanta oo talaado ah Wasiirka Caddaaladda ee dowladda Senegal Malik Sall.
Wasiirka ayaa ku cadeeyay geerida ninkaan qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka balse ma uusan sheegin waxa sababay dhimashadiisa laakiin warbaahinta maxaliga ah ee dalka Senegal ayaa sheegtay in uu u geeriyooday cudurka Covid-19 isagaoo ku jira xabsi ku yaalla gudaha waddankaas.
Xusein Xabrii oo talada dalka Chad hayey sanadihii 1982-dii ilaa 1990-kii, ayaa 30-ka bisha May, 2016 lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii la soo gabagabeeyay dacwad lagu soo oogay oo in mudo ah ka socotay dalka Senegal ayadoona lagu helay dambiyo ka dhan ah aadanaha, sida Kufsi, Dil, Addoonsi iyo Afduub intaba.
Intaasi waxaa sii dheer in guddiga baaritaanka ku hayay danbiyada ninkaan loo heestay ay sheegeen in qiyaastii dad gaaraya 40,000 oo ruux dhibaatooyin kala duwan loo geestay xiligii uu talada dalka Chad hayay Xusein Xabrii oo ah ninka maanta dhintay.
Dalka Chad oo dhaca waqooyiga qaaradda Afrika ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxaa ka taagnaa deganaasho la’an siyaasadeed, qalalaaso, rabshado iyo weerarro dad badan lagu laayay kuwaas oo ay geesteen kooxo hubeysan oo iskood isku abaabulay islamarkaana dagaal xooggan kula jira xukuumadda ka arimisa dalkaas.
Waxaa xusid mudan in 3 bil ka hor dagaal u dhaxeeyay ciidamada malleteriga iyo maleeshiyaad hubeysan oo taabacdan hogaamiyaasha mucaaradka lagu dilay Idiris Deybi oo ahaa Madaxwaynahii dalkaas iyadoona talada dalka Chad uu la wareegay wiilkiisa.