HomeAll newsKolonyo uu la socday Taliyaha Ciidamada Lugta ee DF Oo Lagu weeraray...

Kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidamada Lugta ee DF Oo Lagu weeraray Mudug.

Bartamaha Bacaadweyn ee gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa ku waramaya in weerar ay la kulmeen kolonyo uu la socday taliyaha ciidamada lugta ee Dowladda federaalka.

Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Bacaadweyn iyo Wisil ee gobolka Mudug, waxaana ka dhashey waxyeello kala duwan oo gaartay ciidankii iyo saraakiishii kolonyada la socotay.

Ugu yaraan 5 askari oo uu ku jiro xoghayihii taliyaha ciidamada lugta ee Dowladda federaalka oo lagu magacaabo Dhayib ayaa ku dhintay weerarka, halka ay sidoo kale tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Gaari nooca ciidamada ay isticmaalaan ayaa lagu burburiyay weerarka, waxaana la socday taliyaha ciidamada lugta ee Dowladda federaalka Jeneraal Biixi iyo wasiirka gaashandhiga maamulka Galmudug Fiqi.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular