HomeAll newsIn kabadan 31ِ Askari Oo Lagu Dilay Weerarkii Camaara ee Mudug.

In kabadan 31ِ Askari Oo Lagu Dilay Weerarkii Camaara ee Mudug.

Faafaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar cagmarin ah oo aroornimadii hore ee saaka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen saldhig deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ku lahaayeen ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug.

Weerarka oo lagu daahfuray Camaliyad Nafhurnimo ah ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu dilay 31 askari oo katirsan ciidamada halkaas ku sugnaa, halka ay jiraan tiro dhaawacyo ah.

Marka laga soo tago khasaaraha dhimashada ee gaaray ciidamada ku sugnaa Camaara, ciidamada Mujaahidiinta waxay gacanta ku dhigeen saanado hub ah oo ay kamid yihiin 15 gaari, kuwaasoo 8 kamid ah yihiin gawaarida Cabdi bilaha Soomaalidu u taqaan.

Waxaa intaas ka badan rasaas iyo qoryo kala duwan, waxaana hadda deegaannada Bacaadweyn iyo Camaaraba maamulaya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular