HomeAll newsHaweeney Baaderiyad ah Oo Jaamacad ka furatay Hargeysa. (Dhagayso Warbixin)

Haweeney Baaderiyad ah Oo Jaamacad ka furatay Hargeysa. (Dhagayso Warbixin)

Magaalada Hargeysa oo ah caasimadda dhulka Wuqooyi galbeed Soomaaliya.

Magaalada Hargeysa oo xarun u ah maamulka Soomaaliland ee uu hogaamiyo Cabdi Muuse Biixi ayaa waxaa laga furay jaamacad loogu magacdaray “Barwaaqo” taasoo ay furatay haweeney baaderiyad ah oo katirsan mid kamid ah kaniisadaha ku yaala caalamka.

Haweeneydan oo u dhalatay wadanka Naijeria ayaa albaabada u furtay jaamacadan, waxaana dhigta haweenka oo keliya, iyadoona sida muuqata loogu talagalay in lagu faafiyo kiristannimada.

Olole ballaaran oo ay wadaan culimada, Aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada wuqooyi galbeed ayaa socota, waxaana dadku codsadeen in la xiro jaamacadaas, balse maamulka Soomaaliland ayaa taageero adag u muujiyay jaamacadda iyo baaderiyadda furatay labaduba.

Dhagayso Haweeney-Baadariyad-ah-oo-jaamacad-ka-furatay-Hargeysa

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular