HomeAll newsFaahfaahin Kasoo Baxaysa Weerar Cag Marin Ah Oo Saakay Ka Dhacay Sh-hoose.

Faahfaahin Kasoo Baxaysa Weerar Cag Marin Ah Oo Saakay Ka Dhacay Sh-hoose.

Aroornimadii hore ee saaka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ballaaran islamarkaana lasoo qorsheeyay waxay ku qaadeen fariisin ay ciidamada DF ku leeyihiin deegaanka Sabiid ee gobalka Sh-hoose.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku dileen askar katirsan ciidamada DF, halka ay dhaawaceen tiro kale.

23 Askari oo katirsan ciidamadii ku sugnaa fariisinka la wareeray ayaa halkaas ku dhintay, halka lagu dhaawacay 11 kale.

Saddex kamid ah meydadka ciidamada DF ayaa laga soo saaray wabiga Shabeelle, halkaas oo ay isku tuureen intii uu socday dagaalka si ay uga baxsadaan goobta, hasa yeeshee waxaa toogtay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Weerarkaan cag marinta ah ayay sidoo kale ciidama Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kusoo furteen hub iyo agabyo kale oo millatari, kuwaas oo ay ka carareen askarta DF.

Gabi ahaanba waxay Mujaahidiinta bur buriyeen saldhiggii ay ciidamada DF ku lahaayeen deegaanka Sabiid ee gobalka Sh-hoose, kadib markii ay si buuxda ula wareegeen xirada.

Dagaalka kadib dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa waxay xabsi ku yaalla deegaanka Sabiid kasii daayeen dad maxaabiis ah oo ku jiray xabsiga, kuwaas oo ay haween kamid ahaayeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular