Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Ibnu Cabbaas oo xarun ku leh degmada Saakow ee wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay ardey dhameysatay dugisga sare iyo kuwa ka qelin jebiyay dugsiga dhexe.
Xaflad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin katirsan wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka si gaar ah waaliga Jubbooyinka Sheekh Muxamad Abuu Cabdalla ayaa waxaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay ardeyda.