HomeAll newsDilal Loo geystay Xubno Muhiim ah oo ka dhacay Afgooye iyo Baardheere.

Dilal Loo geystay Xubno Muhiim ah oo ka dhacay Afgooye iyo Baardheere.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa degmooyinka Afgooye iyo Baardheere ee gobollada Shabeellaha Hoose iyo Gedo waxay ku dileen xubno katirsan Dowladda federaalka.

Magaalada Afgooye oo qiyaastii 30km ka fog magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa lagu dilay Faarax Cabdullaahi Bushow oo ahaa askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Rag hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta ayaa askarigan xalay ku diley gudaha degmada Afgooye, waxayna si nabadgeliyo ah uga dhaqaaqeen goobta ay dilka ka geysteen.

Sidoo kale, askari kale oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka ayaa lagu dilay gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, askariga la dilay waxaa lagu magacaabaa Haaruun.

Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular