Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa xalay ka dhacay howlgallo kala duwan oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaasoo beegsaday askar iyo saraakiil katirsan Dowladda federaalka.
Qarax ka dhacay degmada Kaaraan ayaa waxaa lagu beegsaday ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.
Xaafadda Suuqa xoolaha waxaa iyana lagu diley sarkaal katirsan ilaalada xerada Xalane oo ah saldhiga ugu weyn ee ay ciidamada Shisheeyaha ka deganyihiin Soomaaliya.
Waxaa jira weeraro kale oo iyana ka dhacay duleedka caasimadda ah ee Muqdisho.
Halkan ka dhagayso Faafaahin howlgallo ka dhacay Muqdisho.