HomeAll newsDhaalibaan Oo Dagaal Culus kula wareegtay Magaalada Qunduuz.

Dhaalibaan Oo Dagaal Culus kula wareegtay Magaalada Qunduuz.

 

Dagaallo aad u culus oo ay marti gelisay magaalada Qunduuz ee wuqooyiga wadanka Afqaanistaan kadib waxaa hadda magaalada si buuxda ula wareegay ciidamada Imaarada islaamiga ee Dhaalibaan.

War kasoo baxay Imaarada islaamiga ah waxaa lagu sheegay in ciidamadooda ay gudaha u galeen magaalada Qunduuz, lana wareegaan guud ahaan magaalada iyo xarumihii muhiimka ahaa ee uu ku shaqeynayay maamulkii xukuumadda Kaabul.

Xaruntii maamulka gobolka, saldhigii booliiska, xabsiga weyn ee magaalada iyo goobo kale oo istiraatiiji ah ayay la wareegeen ciidamada Imaarada islaamiga ah kadib dagaal culus oo ay la galeen ciidamada xukuumadda Kaabul.

Saanado milliteri oo ay ku jiraan gawaarida gaashaman ee uu Maraykanku siiyay xukuumadda Kaabul ayaa waxaa gacanta ku dhigay Imaarada islaamiga ah, kuwaasoo hadda loo adeegsanayo dagaallada ka socda wadanka.

Wariyaal ku sugan gudaha magaalada Qunduuz oo la hadlay warbaahinta caalamiga ah waxay xaqiijiyeen in magaalada ay maamuleyso Dhaalibaan, ayna jiraan duqeymo xoogan oo diyaaradaha xukuumadda Kaabul ka geysteen magaalada, kuwaasoo aan wax isbedel ah soo kordhin.

” Calanka Taalibaan ayaa ka dul babanaya xarumihii maamulka ee Qunduuz” waxaa sidaas warbaahinta u sheegay wariye ku sugan Qunduuz.

Xukuumadda Kaabul ayaa dhankeeda waxay beenineysaa in magaalada Qunduuz oo ah caasimadda gobolka Qunduuz ee wuqooyiga wadanka Afqaanistaan ay la wareegtay Dhaalibaan, waxanaa wasiirka gaashandhiga xukuumadda Kaabul uu barta uu ku leeyahay Internetka soo dhigay sarkaal katirsan ciidankiisa oo sheegaya iney weli ka dhex dagaallamayaan Qunduuz.

Waa magaaladii saddexaad oo ah caasimad gobol oo labo maalmood gudahood ay si buuxda ula wareegto Imaarada islaamiga ah, shalay waxay la wareegtay magaalooyinka Shabirgaan oo xarun u ah gobolka Joozjaan iyo Zaranji oo ah xarunta gobolka Nimruuz oo dhamaantooda dhaca wuqooyiga dalka.

 

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Maanshaa allaah alle ha ciseeyo islaamka iyo muslimiinta. Allaah guusha ha siiyo kuwa u dagaalamaya in sharcigiisu dunida ka shaqeeyo.aamiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular