Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa habeenkii xalay waxay weeraro xoogan ku qaadeen saldhigyo ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaanno katirsan Jubbada Hoose.
Goobaha ciidamada Kenyaatiga lagu weeraray waxaa kamid ah deegaanka Taabto, halkaas oo uu ka dhacay weerar culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Askarta Kenyaatiga ee halkaas ku go’doonsan ayaa waxaa lagu soo waramayaa iney xaaladdu ku adkaatay, islamarkaana ay aad uga walaaceen dagaalka culus ee lagu soo qaaday.
Waxay sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada Kenyaatiga iyo kuwa maamulka Jubbaland ee Yoontooy oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey dagaalladan, kuwaasoo kusoo aaday xilli maalintii shalay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni lagu dilay 8 askari oo uu sarkaal ku jiro, kuwaasoo katirsanaa maamulka Jubbaland.
Dhagayso dagaallo-ka-dhacay-saldhigyo-Kenyaatigu-ku-leeyihiin-Jubbooyinka
(Provigil)