HomeAll news9 Askari oo Shisheeye ah Oo lagu dilay Kamiin ka dhacay Shabeellaha...

9 Askari oo Shisheeye ah Oo lagu dilay Kamiin ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Barqinimadii maanta, ciidamo aad u hubeysan oo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar kamiin ah waxay u dhigeen kolonyo ciidamo Ugandhees ah oo marayay inta u dhexeysa deegaannada Danow iyo Golweyn.

Dagaalka oo ahaa mid culus, in muda ahna socday ayaa waxaa lagu soo waramayaa in waxyeello kala duwan lagu gaarsiiyay ciidamada Shisheeyaha ee kamiinka loo dhigay.

Gaari nooca Tawga ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan Shisheeyaha ayaa waxaa haleeley qarax aad u xoogan, taasoo keentay in gebi ahaanba uu halkaas ku basbeelo.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo aan la hadalney waxay tilmaamayaan in koofiyadaha ay xirtaan ciidamada Shisheeyaha lagu arkay goobihii lagu dagaallamay, kuwaasoo ay ku yaalaan raadadka rasaata.

Goobta lagu dagaallamay waxaa kusoo degay labo diyaaradood oo hellecoptro ah, kuwaasoo qaaday meydadka iyo dhaawacyada ciidamada Shisheeyaha.

Ciidamada Shisheeyaha ayaa la sheegay iney ka firxadeen goobihii lagu dagaallamay, iyagoo aan sameyn iska caabin xoogan, marka laga soo tago iney cagaha wax ka dayeen.

Faafaahin la helayo waxay xaqiijineysaa dhimashada 9 askari oo Ugandes ah, halka la la’yahay 2 askari oo kale, kuwaasoo firxaday markii uu dagaalku billowday.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay kamiinka ku furteen saanado hub ah oo kala duwan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular