HomeAll newsDad Ku Dhintay Daadad Xooggan Oo Ku Dhuftay Koonfurta Dalka Mareykanka.

Dad Ku Dhintay Daadad Xooggan Oo Ku Dhuftay Koonfurta Dalka Mareykanka.

Daadad xooggan oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay gobolka Tennessee oo dhaca koonfur bariga dalka Mareykanka ayaa sababay khasaase isugu jira naf iyo maadi intaba sida ay maanta shaaciyeen masuuliyiinta Maamulka maxaliga ah ee gobalkaas.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Mareykanka ayaa sheegtay, in ugu yaraan 10 qof oo ay ku jiraan caruur ay ku dhinteen daadadaan halka in ka badan 40 ruux oo kalena la la’yahay.

Sidoo kale sarkaal ka tirsan kooxda gurmadka deg dega ah ayaa sheegay in ay daadadkaan sababeen bur-burka guryo dhowr ah islamaarkaana dad badan laga daad gureeyay aagaga ay daadadkaan xoogooda ku dhufteen, wuxuuna intaas ku daray in inta badan magaalloyinka hoostaga gabalka ay ka go’an yihiin adeegyada bulshada sida Korontada iyo Isgaarsiinta.

Kooxaha gurmadka ayaa sidoo kale sheegay in wadooyinka waa weyn ee soogala aaga ay daadadka ka jiraan ay xiranyihin taas oo ay walaac xooggan ka muujiyeen iyagoona sheegay in shaqaalaha gurmadka ay ku adkaatay in ay gaaraan goobahaas si ay u samata bixiyaan dad badan oo ku go’doosan halkaas.

Tan iyo maalintii Jamcada aheyd ee lasoo dhaafay waxaa gobolkaani ka da’ayay roobab mahiigaan ah waana roobabkii ugu xoogganaa ee aagaas ka da’a muddo ka badan 20 sano sida lagu sheegay tirakoob la sameeyay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular