Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan ayaa billowday baahinta qeybta labaad waraysiyo taxane ah oo ay la yeelatay qaar kamid ah ergadii soo xushey baarlamaanka dowladda federaalka, balse markii dambe isku dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Muuqaalkan waxaa kasoo muuqanay ergada kala ah Cabdul Qaadir Faarax Cali Yare, Daahir Axmed iyo Maxamad Xasan Cali, waxayna ka qeyb qaateen doorashadii ay kusoo baxeen xillibaannada Dowladda federaalka ku matalaya maamulka Galmudug.
Waxay ka sheekeynayaan sida ay uga qeyb galeen doorashooyinkaas, xaalkooda sida uu noqday, iyagoona diraya fariimo muhiim ah oo ku socda ergada lagu wado iney hadda doortaan xillibaannada Dowladda federaalka.
Halkan ka daawo muuqaalka Ergadan isku dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.