Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in ciidamada Uganda ay gumaad naxdin leh u geysteen dad shacab ah oo ku sugnaa qeybo kamid ah gobolkaas.
Inta u dhexeysa Golweyn iyo Danow ayay ciidamada Uganda ee maanta halkaas kula kulmey weerarka culus waxay gumaadeen dadweyne shacab oo beeraley u badnaa.
Ugu yaraan 7 ruux oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay in ciidamada Uganda ay si xun u gumaadeen, iyagoo kala duldhacay carada ay kasoo qaadeen weerar khasaare culus lagu gaarsiiyay oo halkaas ku qabsaday.
Qaar kamid ah ehellada dadkooda ay xasuuqeen ciidamada Shisheeyaha ayay Idaacadda islaamiga ah Al-Furqaan la yeelatay waraysiyo, waxaadna ku dhageysan doontaan barnaamjka Dhuuxa Waraysiyada.