Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka weerar culus waxay ku qaadeen ciidamo katirsan kuwa DF oo fariisin ku lahaa deegaan katirsan gobalka Sh-hoose.
Saldhigga ciidamada DF ee deegaanka Sabiid ayay ciidamada Al-Shabaab ka weerareen dhowr jiho, waxaana halkaas ka dhashay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo lagaarsiiyay ciidamada DF.
Waxaa intaa dheer in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dagaalkii saaka ku soo furteen hub iyo agabyo kale oo millatari, kuwaas oo saldhigga uyiillay ciidamada DF.
Ciidamada Al-Shabaab ayaa gabi ahaanba la wareegay deegaanka, iyagoona goob fagaare ah kula hadlay dadka, waxaana hadda Sabiid ku sugan dagaalyahannada Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab.