Habeennimadii xalay, ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus waxay ku qaadeen saldhiga ciidamada Xabashida Itoobiya ku leeyihiin degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Dagaalka ayaa ahaa mid aad u culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lagu kediyay ciidanka Itoobiya oo ay rasaastu ku billaabatay iyagoo war moog ah.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey weerarkan lagu qaaday ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku sugan Waajid, hase ahaate waxaa la rumeysanyahay iney jiraan waxyeello kala duwan.
Horay sidan oo kale, ciidamada Itoobiya ayaa la kulmay weeraro culus oo uga yimid dhinaca ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ciidamada Itoobiyaanka ee halkaas ku sugan ayaana wajahaya go’doon adag oo sanado ah.