
Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ee bartamaha dhulkeena Soomaaliya ayaa ku waramaya in ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug ay isaga carareen deegaanno katirsan gobolka Mudug, oo ay ku sugnaayeen maalmihii lasoo dhaafay.
Deegaannada ay isaga baxeen ciidamada huwanta ah ee ay galbinayeen diyaaradaha Maraykanka waxaa kamid ah Cammaara, Bacaadweyn, Qeycad, Shabeellow iyo kuwa kale oo dhamaantooda ay soo galeen dhawaanahan.
Cararka ciidamadan ayaa yimid maalmo kadib weerarkii weynaa ee Cammaara, kaasoo looga dilay 35 askari oo ay ku jiraan 3 sarkaal, loonga soo furtay saanado hub ah iyo gawaari dagaal oo gaaraya 18 gaari.
Ciidamada cararay ayaa hadda gudaha u galay deegaanka Wisil oo katirsan Mudug, halkaasoo ay markii hore kasoo duulaan tageen.
Dhamaan deegaannada ay isaga baxeen ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug waxaa la wareegay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.