HomeAll newsBIDEN: Anigaa qaadanaya Masuuliyadda Wixii ka dhacay Afqanistaan.

BIDEN: Anigaa qaadanaya Masuuliyadda Wixii ka dhacay Afqanistaan.

 

Joe biden, madaxweynaha Maraykanka oo tan iyo markii ciidamadiisu kasoo baxeen wadanka Afqaanistaan qabanayay shirar jaraa’id oo is xig xiga ayaa tilmaamay inuu qaadanayo masuuliyadda waxa ka dhashey kasoo bixitaanka ciidamada Maraykanka ee dalka Afqaanistaan.

Biden ayaa sheegay in kahor inta aanu ciidamadiisa kala soo bixin Afqaanistaan uu sameeyay tashiyo badan, ugu dambeynna ay badi dadkii uu la tashaday ku taliyeen in ciidamada Maraykanka laga soo saaro wadanka Afqaansitaan, isaguna go’aankaas qaatay.

Wuxuu intaa ku daray iney filayeen in ugu yaraan tan iyo dhamaadka sanadkan 2021-da ay xukuumadda Kaabul cagaheeda ku taagnaan doonto, iskana wajihi doonto weerarada uga yimaada Dhaalibaan, balse taasi aaney dhicin.

Joe Biden madaxweynaha Maraykanka ayaa hadalkan uu jeediyay maalintii shalay oo JImco ahayd, wuxuu ku sheegay in hadda ay wadaan howlaha ay muwaadiniinta Ameerikaanka iyo dadkii la shaqeynayay Ameerikaanka uga soo rarayaan wadanka Afqaanistaan.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa dhankeeda waxay tilmaamtay iney magan gelineyso 5000 oo ruux oo AFqaani ah, kadib codsi uga yimid dowladda Maraykanka.

Magaalada Kaabul ee xarunta wadanka Afqaanistaan ayaa hadda waxaa maamulaya Imaarada islaamiga ah, ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Badar ayaana sugaya amniga xarumaha muhiimka ah ee magaalada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular