Inta la xaqiijiyay 30 askari oo katirsan ciidamada Xukuumadda Yeman ayaa lagu dilay halka lagu dhaawacay 60 kale weerar loo adeegsaday sawaariikh iyo diyaarado Drone ah sida ay xaqiijiyeen ila waredyo Millatari iyo kuwa caafimaad ah.
Saraakiil katirsan xukuumadda Yeman ayaa wakaalada warar ee Faransiiska u sheegay in weerarka ay geysteen xooxda Xuuthiyiinta lagu beegsaday saldhigga ciidamada cirka ee Al-candi oo ku yaalla gobalka Laxaj ee waddanka Yeman, waana saldhiggii ugu weynaa ee ay bartilmaameedsadaan kooxda Xuuthiyiinta.
Ilo waeeedyo caafimaad oo ku sugan isbitaalka Ibnu Khalduun ee gobalka Laxaj ayaa xaqiijiyay in weerarka kadib loo keenay 7 kamid ah askarta la dilay iyo in 50 kale oo dhaawacyo ah.
Dhanka kale isbahaysiga Carbeed ee ay hogaamiso dowaladda Sucuudiga ayaa sheegay inay dhulka soo dhigeen diyaarad Drone ah oo ay lahaayeen Xuuthiyiinta.
Waxay sheegeen in diyaaraddaan ay ku howlaneen in weeraro xagga cirka ah ay ka fuliso deegaanno dhaca Koonfurta Sucuudiga, hasa yeeshee ay ka hortageen islamarkaana ay dhulka soo dhigeen.
Waddanka Yeman ayaa waxaa ka socda dagaallo xooggan oo u dhexeeya xukuumadda Yeman oo taagero ka heleysa isbahaysiga Carbeed, iyo maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo iyagana garab ka helaya xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan.