HomeAll news14 Gaari Oo Lagu Qabsaday Weerar Cag Marin Ah Oo Lagu Qaaday...

14 Gaari Oo Lagu Qabsaday Weerar Cag Marin Ah Oo Lagu Qaaday Camaara.

Aroornimadii hore ee saaka ciidamo aad uhubaysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar aan nuuciisoo kale horay uga dhicin deegaanka Camaara waxay ku qaadeen ciidamo katirsan kuwa Galmudug, kuwaas oo fariisin ku lahaa deegaanka.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu daah furay Camaliyad Nafhurnimo ah oo uu fuliyay Naftii hure katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana xigay ciidamo xoog ku galayaal ah oo gudaha u galay fariisinka.

Muddo kooban ka dib waxaa goobta isaga cararay ciidamo aad u tira yar oo ka bad baaday weerarka, halka kuwii kalana ay ku hoobteen Camaliyadda Nafhurnimada ah iyo rasaasta ciidamada Mujaahidiinta.

Waxaa goobta daadsan meydadka ciidamada Maamulka Galmudug ee lagu laayay weerarka, iyadoona si buuxda ay deegaanka Camaara ula wareegeen ciidamada Al-Shabaab.

14 gaari oo ay ku jiraan 12 Cabdi-bilayaal ah ayay la wareegeen ciidamada Mujaahidiinta, waxaana intaa dheer hub iyo saanado millatary oo ay saldhigga ka daabusheen ciidamada Mujaahidiinta.

Dagaalyanahannada Al-Shabaab oo weerarkoodu ahaa mid saf-ballaraan ah ayaa waxay sidoo kale weerar ku qaadeen deegaanka Bacaadweyne, iyadoona ay firxadeen askartii Galmudug ee ku sugnaa deegaanka.

Camaara iyo Bacaadweyne waxaa hadda ku sugan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wixii faahfaahin ah ee kusoo kordha dagaalkii Camaarana waan soo gudbin doonnaa insha’allaah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular