HomeAll newsWeerer Lagu Beegsaday Ciidamo Ka Tirsan DF Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Weerer Lagu Beegsaday Ciidamo Ka Tirsan DF Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar qorsheysan waxay barqanimadii maanta ka fuliyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Weerarkaan ayaa waxa uu sigaar ah kaga dhacay xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, waxaana lagu dilay Shariif Muxudiin oo ahaa askari katirsan ciidanka Minishiibiyada DF, iyadoona laga furtay qorigii uu ku hubeysnaa.

Askari kale ayaa lagu dhaawacay weerarkaan qorshaysan oo ka dhacay xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo maalintii shalay duleedka Muqdisho iyo degmada Afgooye lagu dilay 2 askari oo ka tirsanaa shirdoonka DF, kuwaas oo mid kamid ah laga furtay gaari uu watay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular