
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan waxay ku qaadeen saldhigyada ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanno katirsan Jubbada Hoose.
Jaziiradda Kudhaa ee Jubbooyinka ayaa kamid ah goobaha ay xalay Mujaahidiintu ku weerareen ciidamada Kenya, waxaana halkaas ka dhacay dagaal in muda ah socday.
Waxay sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada Kenya ee deegaanka Cabdalla biroole, halkaasna waxaa ka dhacay dagaal in muda ah qaatay.
Waxay kusoo aadeen dagaalladan iyadoo dhawaan howlgal gaar ah oo ay Mujaahidiintu ka fuliyeen Jaziiradda Kudhaa kusoo qabteen gudoomiye ku xigeenkii jaziiradaas iyo sarkaal ciidan, kuwaasoo markii dambe ay birta ka asleen ciidamada Mujaahidiinta.