HomeAll newsReer Mudug Oo bogaadiyay Mujaahidiinta Ka dagaallamaya Gobolkaas. (Dhagayso)

Reer Mudug Oo bogaadiyay Mujaahidiinta Ka dagaallamaya Gobolkaas. (Dhagayso)

Iyadoo qeybo kamid ah koonfurta gobolka Mudug ay ka socdaan dagaallo xoogan oo dhexmaraya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa maamulka Galmudug oo ay la socdaan askarta dowladda federaalka, korna ay ka taageerayaan diyaaradaha Maraykanka, welina aaney jirin wax guul ah oo ay gaareen, ayaa waxay reer Mudug bogaadiyeen ciidamada Mujaahidiinta.

Dadweynaha ku nool magaalada Xarardheere oo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee gobolka Mudug, laguna maamulo Shareecada Islaamka ayaa sheegay iney aad ugu faraxsanyihiin jabka maalmihii lasoo dhaafay qeybo kamid ah gobolka lagu gaarsiiyay ciidamada huwanta ah ee duulaanka soo qaaday.

Waxay sheegeen in ciidankaas ay yihiin kuwa dagaal kula jira Shareecada Islaamka, goobaha ay soo galaanna ka billaabaan dhac iyo tacadiyaad ka dhan ah shacabka, Mujaahidiintuna ay yihiin kuwa dadka iyo duunyadaba u roon.

Dhagayso Reer-Mudug-Oo-bogaadiyay-Mujaahidiinta-dagaalka-la-hortaagan-gulufka-Maraykanku-kor-ka-taageerayo

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular