Iyadoo dhawaan kooxda TPFL ay la wareegtay gacan ku heynta magaalada Maqalle iyo magaalooyinka u dhow ee ay horey gacanta ugu dhigtay dowladda Itoobiya, ayaa Qaramada Midoobay waxay ka digeysaa xaaladda wadankaas.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay iney Itoobiyo wajihi doonto cawaaqib adag oo aaney filaneynin, haddii aan si deg deg ah loo xallin dhibaatooyinka ka jira wadankaas.
U qeybsanaha dhanka Siyaasadda ee Qaramada Midoobay haweeneyda lagu magacaabo Rozmary ayaa hadalkan ka jeedisay fadhi ay yeesheen Golaha Qaramada Midoobay, kaasoo looga hadlayay xaaladda gobolka Tigreega.
Waxay haweeneydan sheegtay in gobolka gaar ahaan magaalada Maqalle ay ka taagantahay xaalad aad u liidata, iyadoo intaa ku dartay in magaaladu aaney lahayn wax koronto ah, islamarkaana uu hawada ka maqanyahay Internetka, sidoo kalena ay gebi ahaanba joogsadeen duulimaadyadii xagga hawada.
Itoobiya ayay ugu baaqday iney si deg deg ah u xalliso dhibaatooyinka halkaas ka jira, oo ay sheegtay in lagu xallin karo wadahadal iyo hufnaan, haddii la xallin waayana waxay ka digtay cawaaqibta aan la fileynin ee ay dhaxli karto dowladda Itoobiya.
Waxaa muuqaneysa in Qaramada Midoobay iyo dowladaha reer galbeedkuba taageersanyihiin is maamulka Tigreega ee kasoo horjeeda dowladda dhexe ee Itoobiya uuna hogaamiyo ninka lagu magacaabo Abey Axmed.