Wadanka Tuunis waxaa laga soo warinayaa isbedel ballaaran oo xaga maamulka ah, kadib markii madaxweynaha wadankaas uu howl tiray xukuumaddii wadankaas iyo baarlamaanka.
Qeys Siciid madaxweynaha wadanka Tuunis ayaa sheegay inuu xilka ka qaaday xukuumaddii dalka ka jirtay, sidoo kalena uu xanibay howlihii baarlamaanka wadankaas.
Kalimad muuqaal ah oo uu jeediyay Qeys Siciid, lagana baahiyay telefeshinka wadanka Tuunis ayuu ku sheegay inuu go’aan ku qaatay inuu xilka ka xayuubiyo Xukuumadda, sidoo kalena uu howshooda joojiyo baarlamaankii wadankaas ee uu hogaaminayay Al-qanuushi.
” Waxaan go’aansaday inaan talada dalka si buuxda ula wareego, ra’iisul wasaarena soo magacaabo” ayuu yiri madaxweynaha Tuunis.
Go’aannada uu qaatay Qeys Siciid waxaa kamid ah inuu xasaanada ka qaaday dhamaan xillibaanada baarlamaanka iyo gudoomiyahooda, taasoo keeni karta sida dad badan ay tilmaamayaan in xitaa xabsiga loo dhaadhiciyo.
Tallaabooyinkan uu qaaday madaxweynaha Tuunis wuxuu ku sheegay iney lama huraan yihiin si loo ilaaliyo dastuurka wadanka Tuunis ee gacan ku sameyska ah.
Raashid Al-Qanuushi, gudoomiyaha baarlamaanka Tuunis ayaa arintan wuxuu ku tilmaamay afgembi lagu sameeyay dastuurka, wuxuuna sheegay in shacabka Tuunis looga baahanyahay iney arinkaas ka hortagaan.
Ciidamo katirsan milliteriga Tuunis ayaa xiray xarunta baarlamaanka, xillibaannada iyo gudoomiyahana u diiday iney gudaha u galaan.
Al-qanuushi oo laga celiyay gelitaanka xarunta baarlamaanka ayaa sheegay in ciidankii milliteriga dalka loo adeegsaday arimo siyaasadeed, taasina ay tahay arin laga xumaado.
Tallaabada uu madaxweynaha Tuunis ku kala eryay xukuumaddii wadankaas iyo baarlamaanka ayaa timid iyadoo wadanka uu marayo xaalad adag oo la xiriirta faafitaanka cudurka Coronavirus, waxaana la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto xiisadan siyaasadeed ee kusoo korortay wadanka Tuunis.