Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu gobalka Tigree ka qarxay dagaalka u dhexeeya jabhadda TPLF iyo xukuumadda Itooboiya waxaa gudaha waddankaas ka barakacay kumannaan ruux kuwaas oo u qaxay dhanka waddanka Suudaan.
Gobalka Qadaariif oo xuduud la leh Itoobiya ayay buux dhaafiyeen kumannaan Itoobiyaan ah, iyagoona ka gud bay xuduudda ay wadaagaan Itoobiya iyo Suudaan, waxaana xusid mudan in ciidamada Xabashida ay ugaarsanayaan dadka barakacaya.
Wakaaladda wararka Suudaan ayaa soo tabisay in shalay oo kaliya 3 kun oo qaxooti itoobiyaan ah ay kasoo barakeceen gobalka Amxaara, iyagoona kasoo tallaabay xuduudka laba dal, soona gaaray tuulada Taaya ee gobalka Qadaariif oo dhaca bariga Suudaan, waxaana wali socda qoxootiga Itoobiyaanka ah ee kusii qul qulaya gudaha Suudaan.
Tiradaan ayaa ka dhigan tii ugu bandeyn oo hal maalin gudeheed kasoo tallaaba xuduudda ay wadaagaan laba dal, tan iyo markii uu bilawday dagaalka ka socda Itoobiya, kaas oo bishii Novembar 2020 ay ciidamada xabashida duullaan ku qaadeen maamulkii ka talinayay gobalka Tigree.
Dadka barakacaya ayaa waxay u badan yihiin qabiilka Koment ee dega gobalka Amxaara, islamarkaana qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Tigree, xilli jabhadda TPLF ay ku gacan sarreysay dagaalladii ugu dambeeyay ee dhaca dabayaaqada sannadkii tagay.
In ka badan 60,000 oo qoxooti Tigree ah ayaa ku sugan xiryo qaxooti oo ku yaalla gobalka Qadaariif, iyadoo ay dheertahay kumannaan kale oo lagu qaabilay goballo ku yaalla Suuddaan, sida uu xaqiijiyay masuul katirsan Suudaan, Waxayna ciidanka xabashida rasaas ku fureen dadka qaxootiga ah, iyagoona dilay askari katirsan xukuumadda Suudaan, kaas oo kamid ahaa ciidanka ku sugan xuduudda.
Xukuumadda Suudaan ayaa ciidamo badan soo dhoobtay xuduudda si ay uga hortagaan ciidanka xabshida ee ee halkaas ku sugan, xilli Suuddaan ay xirtay inta badan xuduudda tan iyo wixii ka dambeeyay dilka askari katirsan ciidankeeda, iyo afduub loo gaystay sarkaal sare oo katirsan Xukuumadda Khartuum.
Jabahdda TPLF ayaa horumaro ballaaran ka wada gobalka Tigree iyo deegaannada hosyimaada, iyadoona ciidamada Xabshida ay gaarsiiyeen khasaare xooggan, waxaana wali dalka Itoobiya ka taagan xaalad cakirnaan ah.