Iyadoo dhawaan, madaxwweynaha wadanka Tuunis Qeys Siciid uu afgembi dadban kula wareegay talada wadanka, kadib markii uu xukuumadda casiley, baarlamaankiina howshiisa hakiyay, ayaa hadda waxaa muuqaneysa shirqoollo horleh oo loo dhigay qaar kamid ah axsaabta.
Garsoorka wadanka Tuunis ayaa u yeeray Xarakada An-Nahda iyo Qalbi Tuunis, kuwaasoo loo heysto eedeymo la xiriira iney heleen maalgelin xagga dibadda ah intii ay socotay doorashooyinkii lasoo dhaafay.
Waxay tani walaac xoogan ku abuurtay labada xisbi iyo ragga mucaaradka ah ee ku sugan wadanka Tuunis, kuwaasoo sheegaya in garsoorkii wadankaas uu la saftay madaxweyne Qeys Siciid, lagana yaabo inuu soo saaro awaamiir la xiriirta in madaxda Axsaabtaas xabsiyada loo taxaabo.
Milliteriga wadanka Tuunis ayaa taageeraya qorshaha uu wato Qeys Siciid, kaasoo la hubo iney riixayana dowlado kale, sida ay ku waramayaan dadka ka faallooda arimaha wadanka Tuunis.
Wixii ka dhacay Masar sanadihii afgembiga Siisi kadib ayaa laga cabsi qabaa iney ka dhacdo wadanka Tuunis, dalkaasoo kamid ah wadamadii carabeed ee marti geliyay horaantii 2010-ka bananabaxyada guga carbeed.