HomeAll newsFaahfaahin Kasoo Baxaysa Dagaal Iyo Qarax Ka Dhacay Gobalka Hiiraan.

Faahfaahin Kasoo Baxaysa Dagaal Iyo Qarax Ka Dhacay Gobalka Hiiraan.

Maanta deegaanka Cowmaad ee hoostaga degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan waxaa ka dhacay qarax iyo dagaal khasaare adag lagu gaarsiiyay ciidamada DF.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo dagaalka, iyadoon si guud loogu dilay 9 askari oo ay saraakiil ku jiraan halka lagu dhaawacay 9 kale.

Todobo kamid ah ciidamada la dilay ayaa meydadkooda looga cararay halka uu dagaalku ka dhacay, waxaana galabta 6 askari oo dhawaacyo garaab ah qaba la geeyay magaalada Guriceel, iyagoona awoodi waayay inay geeyaan halkii ay marka hore ka soo duullaan tageen oo ah Baladweyne.

Ciidamada lagu laayay dagaalka iyo qaraxa maanta ka dhacay deegaanka Cowmaad ee gobalka Hiiraan ayaa waxay isugu jireen saraakiil iyo askar waxaana kamid ah:

1 Guray Xasan Cilmi oo ahaa Taliye horin
2 Cabdi Riike oo ahaa Sargaal ka tirsan Nabad sugida
3 Cumar dhurwaa oo ahaa Sargaal ciidan
4 Macaane waxaa uu ahaa Askari
5 Xaayoow iyo C/Casiis Daba-suun oo iyana askar ahaa ayaa kamid ah ciidamadii maantalagu dilay dagaallada.

Saraakiisha ku dhaawacntay waxaa kamid ahaa sarkaal laba xidigle ah kaas oo lagu magacaabi jiray Bakaal, dhaawaciisa ayaana ah mid halis ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular