HomeAll newsDowladaha Itoobiya iyo Ruushka Oo kala Saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka milliteriga...

Dowladaha Itoobiya iyo Ruushka Oo kala Saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka milliteriga ah.

Magaalada Adis Ababa ee caasimadda wadanka Itoobiya waxaa heshiis ku kala saxiixday dowldaha Ruushka iyo Itoobiya, kaasoo la xiriira iskaashi xagga milliteriga ah.

Wafdi ka socda milliteriga wadanka Ruushka ayaa booqasho ku joogay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay wadanka Itoobiya, halkaas oo ay kulamo kula lahaayeen saraakiil katirsan wasaaradda dagaalka ee Itoobiya.

Kadib kulan saddex maalmood ah, dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in heshiis iskaashi oo dhanka milliteriga ah la saxiixatay dowladda Ruushka.
Sida ay sheegeyso Adis Ababa, heshiiska ayaa dhigaya in dowladda Ruushka ay kala shaqeyso Itoobiya sidii sare loogu qaadi lahaa tayada ciidamada milliteriga Itoobiya, gaar ahaan xagga Technologiyada iyo aqoonta.

Saraakiil katirsan qeybaha kala duwan ee wasaaradda dagaalka ee Xabashida Itoobiya ayaa heshiiska saxiixay, halka dhanka Ruushkana ay heshiiska qalinka ku duugeen saraakiil ka socday guutada farsamada ee ciidamada Ruushka.

Heshiiskan iskaashi ee xagga milliteriga ah, islamarkaana kala saxiixdeen Ruushka iyo Itoobiya wuxuu imaanayaa iyadoo dowladda Itoobiya ay dareemeyso in Maraykanku aanu u garab taagneyn sidii hore, sidaas darteedna waxay raadsaneysaa taageero kale oo caalami ah.

Waxay kaloo tallaabada heshiiskan lagu saxiixay kusoo aadeysaa, xilli uu cirka isku sii shareerayo muranka biya xireenka An-Nahda ee u dhexeeya dowladaha Itoobiya, Masar iyo Suudaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular