HomeAll newsCiidamada Amaanka ee wadanka Tuunis Oo Xabsiga dhigay Xillibaano katirsan baarlamaanka dalkaas.

Ciidamada Amaanka ee wadanka Tuunis Oo Xabsiga dhigay Xillibaano katirsan baarlamaanka dalkaas.

Wararka ka imanaya wadanka Tuunis waxay ku waramayaan in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ee wadankaas ay gacanta ku dhigeen xillibaano katirsan baarlamaanka uu howshoodu hakiyay madaxweynaha Tuunis Qeys Siciid.

Xillibaan lagu magacaabo Yaasin Al-Cayaara oo katirsan baarlamaanka wadanka Tuunis ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka wadankaas, iyagoo sheegay iney wataan warqad kasoo baxday garsoorka wadanka.

Xillibaankan ayaa lagu eedayay inuu wax u dhimay ” karaamada ciidanka milliteriga wadanka” sida hadalka loo dhigay, islamarkaana 2 bilood uu ku xirnaan doono xabsi madani oo ku yaala wadanka.

Saacado kadib markii xillibaankaas la qabtay waxay markale ciidamada ammaanka gacanta ku dhigeen xillibaan kale oo lagu magacaabo Maahir Zeyd, kaasoo ka tirsan kutlada Al-Karaama ee baarlamaanka wadanka.

Si lamid ah xillibaankii hore, ciidamada ammaanka waxay ku doodeen iney wataan warqad kasoo baxday garsoorka, taasoo qeexeysa in lasoo qabto xillibaanka, xabsina loo taxaabo.

Qareen u dooday xillibaan Maahir Zeyd ayaa sheegtay inuu socdo olole ballaaran oo lagu ugaarsanayo xillibaanada, markii la afgembiyay dowladdii wadanka ka jirtay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular