Ciidamo si gaar ah u tababaran oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal qorsheysan waxay ka fuliyeen gudaha deegaanka Dhoobley ee Jubbada Hoose, halkaasoo ay ku beegsadeen xubno katirsan sirdoonka Kenya.
4 Ruux oo Nasaaro Kenyaati ah, lana shaqeynayay sirdoonka Dowladda Kenya ayay Mujaahidiintu ku dileen gudaha deegaanka Dhoobley ee Jubbada Hoose, halkaasoo ay ku suganyihiin ciidama Kenyaati ah.
War kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa lagu sheegtay masuuliyadda weerarkan qorsheysan ee lagu dilay dadkan Kenyaati ah ee la shaqeynayay sirdoonka dowladda Kenya.
“Mujaahidiinta ayaa howlgal ka dhacay gudaha deegaanka Dhoobleey waxay ku dileen Afar ruux oo saliibiyiin Kenyaan ah islamarkaana xubno ka ahaa sirdoonka dowladda Kenya” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.