Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha dhulkeena Soomaaliya ayaa ku waramaya in dagaallo xoogan duleedka Buula Burde uu ku dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa maamul goboleedka Hir Shabeelle oo ay wehlinayaan askarta Dowladda federaalka.
Dagaallada oo ah kuwa xoogan islamarkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay ciidamada Dowladda federaalka.
Warar horudhac ah oo la helayo waxay xaqijinayaan in 25 askari oo uu sarkaal ku jiro ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaallada maanta ka dhacay duleedka degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan.
Waxaa jira in gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen ciidamada Dowladda federaalka ah lagu beegsaday qarax xoogan, kaasoo dhaliyay in gaarigu basbeelo , askartii saarneydna ay dhimasho iyo dhaawac noqdaan.
Dhawaan ayay ahayd markii nawaaxiga Matabaan oo kamid ah gobolka Hiiraan dagaal culus oo ka dhacay jab xoogan lagu gaarsiiyay ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Hir Shabeelle, hubna looga furtay.
Allahu Akbar faliahil hamdu