HomeAll newsXawaadle Oo Suldaan Ku Caleema Saartay Shabeellaha Hoose. (Sawirro)

Xawaadle Oo Suldaan Ku Caleema Saartay Shabeellaha Hoose. (Sawirro)

Beesha Xawaadle oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa suldaan ku caleema saaratay wilaayada islaamiga ah ee Shabeellaha Hoose.

Munaasabad dhawaan ka dhacday degmada Sablaale ee wilaayada Shabeellaha Hoose ayay beesha Xawaadle qeybteeda degta gobolka waxay suldaan u dooratay Suldaan Aadan Tifow.

Munaasabadda waxaa kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada beesha, deriska iyo masuuliyiinta wilaayada islaamiga ah ee Shabeellaha Hoose.

Waaliga Shabeellaha Hoose Sheekh Cabdi Samad Abuu Cabdi Raxmaan ayaa qori, boosh, kitaabka Quraanka, Raayada towxiidka iyo agabyo kale ku wareejiyay suldaanka cusub ee beesha Xawaadle.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular