HomeAll newsXarakada Al-Shabaab oo Baahisay Sawirrada Xaflad Ay Ku Iclaamineysay Manhajkeeda Waxbarasho Gaar...

Xarakada Al-Shabaab oo Baahisay Sawirrada Xaflad Ay Ku Iclaamineysay Manhajkeeda Waxbarasho Gaar Ahaan Dugsiga Dhexe.

Xafladdan oo uu soo agaasimay Maktabka Tarbiyada iyo Tacliinta ee taabacsan Xarakada si loo muujiyo oo loo boqro dadaalka iyo juhdiga loo galay sameynta manhajka waxbarashada ardayda ee wilaayaadka islaamiga ah oo dhaca bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Sawirrada waxaa ka muuqanaya buugaag daabacan oo manhajka waxbarashada dugsiga dhexe ah ayna kamid yihiin culuumta sharciga iyo kuwa tajrubada.

Kutubta ayaa waxaa kamid ah:- Tafsiirka, Xadiithka, Fiqhiga, Towxiidka, Carabiga qeybihiisa, Taariikhda, Juqraafiga, Sayniska, Xisaabta iyo luqadda Soomaaliga.

Munaasabadda waxaa hadallo kasoo jeediyay mas’uuliyiin ka tirsan Maktabka Tarbiyada iyo Tacliinta iyadoo ay goob joog ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo odayaasha qabaa’ilka iyo dadka bulshada ka dhex muuqda.

Waxay sameysay Xarakadu Mujaahidiinta Al-Shabaab qeyb dhan oo u xilsaaran iney manaahijtan gaarsiiyaan dhammaan ardayda wilaayaadka islaamiga ah ee ay iyadu maamusho, xilli ay hore u bandhigtay una dhaqan gelisay manhajka Dugsiga Hoose, bishii April ee sannadkii 2017.

Warbixinada Reer Galbeedka waxay ku sifeeyaan Mujaahidiinta Al-Shabaab iney yihiin maamulkii ugu wanaagsanaa ee ay bulshadu aqoonsato kadib burburkii dowladdii Siyaad Barre, maxaa yeelay waxay Xarakadu bixisaa adeegyo muhim ah oo ay u fidiso raciyadeeda sida caddaaladda, amniga iyo xasiloonida, tan oo soo jiidatay dadka ku nool wilaayaadka islaamiga ah iyo xataa kuwa ku dhaqan dhulka ay ka arrimiso Dowladda Federaalka ah oo usoo cadaalad taga garsoorka islaamiga ah.

(https://pestkill.org)

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Asc, wll manhajkan oo pdf ah ma heli karaa , dugsiyo badan iyo aqoon aan macno iyo dhuux lahayn oo Qaswul Fikri ah baa nalagu baabiiyey , macadadiina Irjaa waxaan ahyn ma yaalo in yar mooyee . Caruurta 1 ilaa 4 waxay dhigtaan waa maaweelo wixii ka sareeyan hadal koodaba daa.
    Wll fadlan waxan idinka dalban lahaa in haddii aydaan pdf ku hayn aad u rogtaan , haddii aad awoodaan . Si meel walboo Muslim Soomaali ahi joogo ayun u gaadhsiino .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular