Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan waxay ku qaadeen saldhigyo Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose ku leeyihiin ciidamada Shisheeyaha, kuwa Dowladda federaalka iyo askarta maamulka Jubbaland.
Qooqaani, waxaa lagu weeraray ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duuley dalka Soomaaliya, waxaana dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan.
Afmadow, waxay Mujaahidiinta weerareen saldhig ay ku sugnaayeen askarta maamulka Jubbaland, waxaana dagaalka halkaas ka dhacay uu socday in muda ah.
Lafoole, oo dhaca inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, waxaa iyana lagu weeraray ciidamada Dowladda federaalka, dagaalkana waxa uu dhaliyay waxyeello kala duwan.
Halkan ka dhagayso Faafaahin howlgalladii ugu dambeeyay.