Gobolka Tigreega waxaa laga soo sheegayaa dagaallo xoogan oo dhexmaraya ciidamada federaalka Itoobiya iyo ciidanka TPLF ee Tigreega.
Dagaallada ayaa ka socda nawaaxiga magaalada Makalle oo ah xarunta gobolka Tigreega, waxaana ciidamada Itoobiya ay adeegsanayaan diyaaradaha dagaalka.
Kontomeeyo ruux ayaa ku dhintay duqeymo xaga cirka ah oo ay dowladda Itoobiya ku garaacday gobolka Tigreega, waxaana dowladdu sheegtay iney dagaalyahanno ahaayeen, halka warbixinno kale ay tilmaamayaan iney ahaayeen dad shacab ah.
Dhagayso Warbixin-dagaalka-gobolka-Tigreega-Oo-soo-laba-kacleeyay.