HomeAll newsTigreega Oo La Wareegay Magaalada Maqalle ee xarunta gobolkaas.

Tigreega Oo La Wareegay Magaalada Maqalle ee xarunta gobolkaas.

Magaalada Maqalle oo ah xarunta gobolka Tigreega oo bilihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen ciidamada milliteriga Itoobiya ayaa waxaa la wareegay ciidamada Jabhadda TPLF ee kasoo horjeeda Abey Axmed.

Boqollaal katirsan dagaalyahannada Jabhadda TPLF ayaa habeenkii xalay gudaha u galay magaalada Maqalle saacado un kadib markii ay magaalada ka baxeen ciidamadii milliteriga ee ka amar qaadanayay Abey Axmed.

Dadka magaalada Maqalle ayaa soo dhaweeyey dagaalyahannada Jabhadda, iyagoo ruxaya calanka gobolka Tigreega u gaarka ah, waxaana dadka isku soo baxay qaarkood ay ku qeyla dhaaminayeen hadallo ka dhan ah ra’iisul wasaare Abey Axmed.

Afhayeen u hadlay jabhadda TPLF ayaa xaqiijiyay in ciidankooda ay si buuxda ula wareegeen magaalada Maqalle, kadib dhowr bilood oo ay ka maqnaayeen.

Dhanka dowladda Itoobiya, waxay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah oo ay sheegtay iney ku timid codsi ka yimid maamulka kumeel gaarka ee ay dowladda Itoobiya u magacawday gobolka Tigreega.

Afhayeen u hadlay milliteriga Itoobiya wuxuu sheegay in xabad joojinta loogu talagalay in dadka beeraleyda ay fursad u siiso iney tacbadaan dhulkooda, maadama xilligan la joogo xilliga la tacbo beeraha.

Wuxuu sheegay in hay’adaha gargaarka ay iyaguna heystaan fursad ay gurmad ku gaarsiin karaan gobolka, maadaama buu sheegay aanu gobolka ka jiri doonin wax dhaq dhaqaaqyo milliteri ah.

Afhayeenka ciidamada Itoobiya wuxuu intaa ku daray in ay sii socon doonaan dadaallada lagu soo qabanayo madaxda jabhdda TPLF kuwaasoo uu sheegay iney kasoo horjeedaan sharciga.

Maalmihii lasoo dhaafay, ciidamada Tigreega ayaa lasoo wareegay magaalooyin katirsan gobolka, kadib dagaallo culus oo ay la galeen ciidamada milliteriga Itoobiya, waxaana markii ugu horeysay jabhaddu ku guuleystay iney kala jarto gobolka iyo Ereteriya, halkaasoo uu ka imaanayay gurmad ciidan oo ay helayeen ciidamada milliteriga Itoobiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular