Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xukun xaddu rido ah ku fulisay ugu yaraan 10 ruux oo basaas u ahaa sirdoonka dowladda Maraykanka ee CIA-da.
Kumanaan ruux oo ku kala sugan magaalooyinka Jilib iyo Buula Fullaay ayaa daawaday xukunnadan sharciga ah, waxaana magaalo weliba lagu dilay min 5 jaajuus.
Shalay ayay ahayd markii fagaare ku yaala degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay 6 ruux oo midi haweeney ahayd, kuwaasoo jawaasiis u ahaa sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.
Filo magacyada iyo falalka ay ku kaceen shabakadan maanta lagu dilay Buula Fullaay iyo Jilib.